Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Tacsiyadeeyay geerida ku Timid Marxuum Xuseen Warsame Samatar

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa xildhibaanada  baarlamanka soomaliya, Ehelada iyo shacabka soomaliyeed  ugu Tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka Soomaliya Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ku geeriyooday dalka Turkiga,

Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa ku tilmaamay Allaha u naxariistee Marxuum Xuseen Warsame Samatar  mid jeclaa in soomaliya ay Noqoto mid isku duuban, dalkana uu Noqdo mid xasiloon wuxuuna hadalkiisa ku daray Gudoomiye jawaari in ay aad kaga naxeen geerida  Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka Soomaliya.

Dhanka kale Marxuum Xuseen Warsame Samatar ayaa la sheegay in muudoyinki dambe uu ku xanuunsanaayay mid kamid ah Isbitaalada dalka Turky-ga iyadoona maanta uu ku geeriyooday dalka Turky-ga

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here