Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa xildhibaanada baarlamanka soomaliya, Ehelada iyo shacabka soomaliyeed ugu Tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka Soomaliya Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ku geeriyooday dalka Turkiga,
Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa ku tilmaamay Allaha u naxariistee Marxuum Xuseen Warsame Samatar mid jeclaa in soomaliya ay Noqoto mid isku duuban, dalkana uu Noqdo mid xasiloon wuxuuna hadalkiisa ku daray Gudoomiye jawaari in ay aad kaga naxeen geerida Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka Soomaliya.
Dhanka kale Marxuum Xuseen Warsame Samatar ayaa la sheegay in muudoyinki dambe uu ku xanuunsanaayay mid kamid ah Isbitaalada dalka Turky-ga iyadoona maanta uu ku geeriyooday dalka Turky-ga

