Kulanka Ururka jaamacada carabta ee yeelanayaan maanta oo axad ah ayaa ah mid ay kaga doodayaan xiriirka ay la leeyihiin dalka iiraan.
Ilaa iyo 10 wadan ayaa kulanka ka qeyb galaya kaasi oo ka furmay magaalada riyaadh ee xarunta sacuudiga.
Dalalka iiraan iyo sacuudiga ayaa xiriirkoodu xumaaday waxii ka dambeeyey dilka wadaad shiica ah oo sacuudiga lagu dilay iyo dabkii la qabad siiyey safaaradii sacuudiga ee iiraan ku taalay.
Dalal ka tirsan jaamacada carabta ayaa sacuudiga taageeray waxaana dalalkaasi oo iiraan xiriirka u jaray ka mid ah somaliya, jabuuti , sudan , qadar, baxrayn, Kuwait, iyo dalka imaaratka carabta.

