Madaxweyanaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Midoobe ayaa sheegay in dhawaan uu safar ku Tagi doono Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Madaxweynaha, Juba-land ayaa Tilmaamay in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu marar badan booqasho ku yimid Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, taasi badalkeeda uu dhawaan tagi doono Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,
Axmed Maxamed islaam axmed Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan si rasmi ah loosoo gaba-gabeyn doono xurgufta la sheegay in ay u dhaxeyso isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Hadalka madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Madoobe ayaa imaanaya xili shalay ay labada mas;uul ku heshiiyeen Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya,

