Wararka haatan ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubada Hoose ayaa ku waramaya in Magaladaas ay goor dhaweyd gaareen wafuud caalami ah oo ka qeyb gali doonta shirka Lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Wafuuda gaartay magaalada Kismaayo waxaa kamid ah Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed islaam axmed Madoobe, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya shariif Xasan sheikh aadan, Ergeyga Urur goboleedka IGad ee arimaha soomaliya Maxamed Cabdi Afey wasiirka arimaha dibada wadanka Ethopia Dr. Tedros Adhanom.
Waxaa Magaalada Kismaayo haatan laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambesay ee loogu diyaar garoobayo shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa snadkaan 2016-ka.
Dhanka kale wararka aynu halayno Kismaayo ayaa Tilmaamaya in wafdi kale u Hogaaminaayo Raisulwasaaraha soomaliya mudane Cumar C/rashiid cali sharmarke ay ku wajahan Yihiin Magalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose,

