Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ayaa shalay shahaadooyin gudoonsiiyay guuto ka mid ahaa Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi kuwaasi dhameystay shaqadii ay u joogeen Soomaaliya.
Munaasabadd ka dhacday Xarunta Xalane ee Ciidamadda AMISOM ayaa Shahaadooyinka lagu gudoonsiiyay Ciidamadda Burundi, waxaana ka qeyb galay Madax ka tirsan AMISOM iyo Mas’uuliyiin kale.
Taliyaha Ciidanka Burundi ee Soomaaliya Remy Cishahayo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamadda la badalay ay shaqooyin la taaban karo ay ka qabteen Soomaaliya,islamarkana kuwa kale lagu soo badali doono.
‘Iyada oo laga duulayo sida anshaxa wanaagsan ee ay u guteen howshooda ayaa loo aqoonsaday in la siiyo billado sharafeed iyo shahaadooyin’, ayuu yiri Remy Cishahayo, oo ah Taliyaha Ciidanka Burundi ee Soomaaliya.

