Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Magaaladda Muqdisho.
Xildhibaanadda ayaa ka doodi doona labo ajende oo horyaalla, sida lagu sheegy fariimo xalay loo kala diray Xildhibaanadda.
Ajendaha 1-aad, ayaa ah aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xuquuqda liil tirka siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya, halka ajedanaha labaad uu yahay sii wadista codeynta ansixin horudhac ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.
Maalmihii dambe Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa doodo ka yeelanayay codeynta ansixinta hordhaca ah ee wax ka badalka Xeer Hoosaadka ay ku shaqeeyaan.
Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in Codka kalsoonida la galiyo xeerkaan,hadii la ansixinaya waxay kamid noqon doonaan xeerarka ay meel mariyeen mudooyinkii dambe.

