Agaasimaha Guud ee Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Xuseen cusmaan xuseen ayaa goordhaweyd sirasmi ah isaga casilay Xilkii Agaasimaha NISA.
Agaasime Xuseen ayaa Warqad iscasilaadiisa u gudbiyay Madaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
“Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xuseen cusmaan xuseen uu isku sharaxi doono xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

