Wararkii Ugu Danbeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Laba Qarax Oo Ka Dhacay Baydhabo + Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo galabta ka dhacay gudaha Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka koofur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxyadda oo labo ahaa ayaa loo adeegsaday Bambadda gacanta laga tuuro, iyo nin isa soo miidaamiyay oo watay Jaakadda qaraxyadda loo adeegsado.

Qaraxa koowaad oo loo adeegsday bambadda gacanta lagu tuuro ayaa lagu weeraray hotel la yiraahdo Bilaal, halka midka kalena uu ahaa nin isku soo xiray jaakad qarax ku xiran yahay wuxuuna ka dhacay maqaayadda Beder.

Inta la xaqiijiyay ilaa 6-ruux ayaa ku dhimatay qaraxyadda ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka.

Ma jiro cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadda ka dhacay Magaaladda Baydhabo.

w

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here