Dhageyso:-Deg:Deg:-Madaafiic ku dhacday Qeybo ka mid ah Muqdisho.

0

Wararka Ka Imaanaya qeybo ka mid ah Degmada Warta nabadda ee gobolkan Banaadir ayaa sheegaya in Maanta tiroMadaafiic ah ay goor dhaw kusoo dhaceen qeybo ka mid ah Degmadaasi.

Madaafiicda oon la garanaynin halka ay kasoo dhacayso ayaa waxaa ay ku dhaceen agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya gaar ahaa dhinaca soo xiga Xaafadda Caga dhiigta la yiraahdo ee degmadaasi.

Waxaa la xaqiijiyey in ay jiraan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkaasi Madaafiicda ah waloow aan si dhab ah loo xaqiijin qasaaruhu inta uu gaarsiisanyahay rasmi ahaan,balse dad mid kamid ah dadka ku nool xaafadda ay madaafiicdu kusoo dhacday oo la hadashay Idaacadda Simba ayaa xaqiijisay in Madaafiicda soo dhacday oo tira ahaan lagu qiyaasay 3 ilaa 4 Madafac ay sababeen qasaare kala duwan oo ay sheegtay inay iyadu arkaysay oo dhaawac ah waloow aysan arag siday sheegtay Wax dhimasho ah.

Ambalaasyada Qaada dhaawaca ayaa lagu arkayey goobta ay Madafiicdu kusoo dhaceen kuwaasi oo dadka halkaa ku sugnaa ee waxyeeladu soo gaartay u gurmanayey.

Ilaa hadda lama oga halka ay kasoo dhaceen Madaafiicdu mana jirto cid sheegtay Masuuliyadda Madaafiicdaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here