Madaxweyne Xasan Sheekh oo Boosaaso Tagaya Maanta.

0

Madaxweynaha Jamhuuridda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta lagu Wadaa in uu tago Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari halkaas oo uu kaga qeybgalayo Munaasabad Maalinta barri ah lagu wado inay ka dhacdo magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari taasi oo lagu daahfurayo Garoonka diyaaradaha Magaaladaasi oo dhawaan dhismihiisa lasoo gabagabeeyey.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa wararka aan helayno waxaa ay sheegayaan in qabanqaabada ay ku tagayaan Magaalada Boosaaso ay kasocoto hadda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana madaxweynaha uu halkaasi ka daah-furayaa shaqada garoonka diyaaradaha Boosaaso oo dhismo casri ah lagu sameeyey,waxaana Puntland dhismahagaroonka gacan ka siiyey Shirkado caalami ah oo ka shaqeeya arimaha la xariira dhismaha garoomada diyaaradaha.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa hadda ku sugan wafdigaanna kasii horeeya Siyaasiyiin ay qeyb ka yihiin Ra’iizalwarayaashii dalka soo maray C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo Cali maxamed Geeddi iyo waliba Xubno kale oo Siyaasiyiin ah kuwaasi oo doonaya dhammaantood in ay ka qeybgalaan furidda Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo barri oo Jimco ah lagu wado in ay ka dhacdo Xaflad lagu daah-furayo Garoonka Diyaaradha Boosaaso.

Waxaa Warar kale oo aan ka helayno Magaalada Cadaadana ay sheegayaan in halkaana ay qabanqaabo bixitaan ah ay ka wadaan hogaamiyayaasha Maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo halkaa ku sugan iskuna diyaarinaya aadidda Magaalada Boosaaso.

Wixii Wararka kasoo Kordha dib kalasoco insha allah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here