Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wafdi Xildhibaanno iyo Siyaasiyin isug jira ayaa Maanta Waxaa ay gaareen Magalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka galgaduud.
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaanno iyo siyaasiyiin iyo Xubno kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan.
Masuuliyiinta Maamulka Ahlusunna ayaa si weyn ugusoo dhaweeyey wafdiga Guddoomiyaha Gudaha Magaalada waxaana uu jawaari ku dhax lugeeyey muddo gudaha Magaalada Dhuusammareeb .
Waxaana loosoo galbiyey xarunta Madaxtooyada Magaalada waxaana Mar jawaari iyo wafdigiisa ayaa kulan waxaa ay la leeyihiin hadda Madax ka tirsan Maamulka Ahlu-sunna ee Magalada ka arimiya gaar ahaan Madaxweynaha Maamulkaasi Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan waxaanan la ogeyn ilaa hadda waxa ay ka wada hadlayaan dhinacyadaasi.
Ilaa hadda lama xaqiijin waxa uu salka ku hayo socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanku uu ku tagay Mgaalada Dhuusa-Mareeb ee Gobolka Galgaduud Waxaase tagiddiisu ay imaanaysaa xilli xalay Hogaamiyaha Maamulkaasi uu Magaaladaasi ka furay Shir la sheegay in uu daba socdo shirarkii aaya ka talinta dalka ee meelo soomaaliya ka mid ah lagu qabtay.

