Al-Shabaab oo Xir-xiray Hooyooyin Diiday Carruurtooda Inay Shabaab Ku Biiraan

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya In Al-shabaab ay xabsi dhigeen Haween diiday in Caruurtooda ay soo wareejiyaan si dagaal loo galiyo.

Ilaa afar Haween ayaa la sheegay in shabaab ay xabsi dhigeen kadib markii caruurtii laga sugayay in ay soo wareejiyaan ay si dhuumaaleysi ah ku saareen gaadiid oo ay usoo direen degmada Cadaado.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka  Shabaab ayaa haweenkaan  kasoo xiray tuulada Caliyaalo oo u dhaw degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale warar ka imaanaya Degmadda Xarardheere ayaa sheegaya in odoyaasha deegaanka ay arintaan ku baxeyn, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii haweenka loo sii deyn lahaa.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay Al-shabaab iyo dadka Mudug oo salka ku haya dalab shabaab ay soo bandhigeen oo ku aadan in lagu soo wareejiyo dhalinyaradda  deegaanka si ay ugu dagaalamaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here