Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada ilaaladda garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaaladda Gaalkacyo iyo dhalinyaro hubeysneed ayaa maanta ka dhacay gudaha garoonka diyaarada Magaaladaas.
Iska hor imaadkaan ayaa yimid kadib markii dhallinyaro ku hubeyseyd qoryaha fudud ay darbiga garoonka ee gudaha ah ku bilaabeen dhagax dhig iyo dhismo, waxaana ay isku dhaceen illaalada Garoonka.
Inta la xaqiijiyay 1-askari ayaa ku dhintay,4-kalana way ku dhaawacmeen iska hor imaadka ka dhacay garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili maalmihii dambe agagaarka Garoonka diyaaraaha Magaaladda Gaalkacyo uu ka taagnaa muran dhinaca dhulka ah.

