Ciidamadda amaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal lagu soo qabatay shan bambaano, labo bistoolad iyo dukumiinti ay soo qoreen Al-shabaab iyo 6-ruux oo midi ay haween tahay, waxa ay ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ee Gobolka banaadir.
Hubka iyo dadkii watay ayaa lagu soo bandhigay Xarunta CID ee Booliska Soomaaliyeed,waxaana goobta ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir iyo saraakiil ciidan.
Ugu horeyntii Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan Geedoow ayaa sheegay in door weyn ay ka qaateen Bulshada Degmada howlgalka ragaan lagu soo qabtay.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in looga Baahanyahay dadka kireeya guryaha iyo kuwa ganacsatada ah in ay waajib ku tahay hubinta dadka ay guryaha ka kireynayaan, taasi oo qeyb ka ah sugiddaAmniga.

