Wararka naga soo gaaraya Degmadda hodan ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo watay gaari Cabdi bila ah ay rasaaseeyeen rag hubeysnaa oo saarnaa gaari Karoola ah oo marayay agagaarka Beerta qaadka.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa gaariga Cabdilaha ahaa ayaa isku hor geeyay gaariga raaxadda ah,wuxuuna ku furay rasaas, taasi oo keentay dhimashadda labo ruux oo gaariga saarnaa iyo qof shacab ahaa oo goobta marayay.
Waxaa sidoo kale goobta ka baxsaday darawalkii gaariga waday.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ragga hubeysnaa iyo Ciidamadda Dowladda ay dagaalameen,islamarkaana gaariga cabdilaha uu muddo eryanayay gaariga raaxada ah.
Dhanka kale goobta uu falkaan ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana socda baaritaano.

