Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamadda Al-shabaab ay xalay Madaafiic ku weerareen Saldhig Ciidamadda AMISOM ay ku leeyihiin gudaha Degmada Balcad ee gobolkaas.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Madaafiicda ayaa intooda badan ku dhacay meelo ku dhow Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Xaafada Xaawo Taako ee Degmada Balcad.
Sidoo kale Ciidamadda AMISOM ayaa dhankood Madaafiic kale ku jawaabay kuwaasi oo ka dhacay isla xaafadaha degmadda Balcad.
Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay, tiro kalana way ku dhaawacmeen Madaafiicda AMISOM iyo Shabaab ay isweedaarsadeen.
Dhanka kale Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ee Mgaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaafiic ay baqdin galisay dadka shacabka ah,islamarkaana habeen walba ay Shabaab weerar ku qaadaan saldhigyadda Ciidamadda AMISOM.

