Raisulwasaare Kheyre oo Saakay Ku Wajahan Magaaladda Boosaaso

0

Sida aynu kasoo xiganay Mas’uuliyiinta Gobolka Bari ee  Puntland  Sabtidaan maanta ah waxaa lagu wadaa in wafdiga Raisulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre  oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanada maamulka Puntland inay booqdaan magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso iyadoona siweyn magaaladaasi looga dareemayo qaban qabada soo dhaweynta Kheyre.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Talaadadii  tagay Magaalada Qardho isagoona halkaasi kulamo kula qaatay waxgardka puntland oo arimaha Soomaaliya kala hadlay.

Sidoo kale Raisulwasaare Kheyre iyo golihiisa wasiirada ayaa xalay Garowe uga qeyb galay munaasabada xuska 20 sano guurada kasoo wareegatay aasasska Puntland 1998-dii

Kheyre ayaa ku tagaya Boosaaso safar dhinaca dhulka ah waxayna magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe oo ka kala tirsan Bari iyo Nugaal ay isu jiraan masaafo ahaa qiyaas dhan 550 KM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here