Koox ku hubeesneed bastoolado ayaa goordhaweyd nin oday ahaa ku dilay meel kudhow Hotel Lafweyn, oo u dhow isgooska Fagax Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal ninka la dilay ayaa ahaa nin deegaanka laga yaqaanay,waxaana laga toogtay qeybaha sare ee jirka.
Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta durbadiiba soo gaaray Ciidamaddda amaanka Dowladda Soomaaliya oo haatan sameynaya baaritaan la xiriira dilka ninka odey-ga ahaa.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda dilkaan.

