Wasiirka Hore ee Amniga oo Ka Hadlay Dib u Dhaca Ku Yimid Bixitaanka Amisom+Dhageyso

0

Wasiirkii hore ee Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay qorshaha dib u dhaca bixitaanka Ciidamadda AMISOM iyo kormeer ay ku tageen saldhigyadda ay maamulaan Ciidamadda Nabadd Sugidda Soomaaliya.

Xildhibaan C/risaaq oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in kormeer ay dhawaan ku tageen Xabsiyadda NISA ay kusoo arkeyn dhibaatooyin ka jira xabsiyadaasi,islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan warbixino.

Waxa uu sheegay in markii ay soo bandhigaan kadib ay u gudbin doonaan Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya,islamarkaana golaha ay ka doodi doonaan.

Dhanka kale Xildhibaan C/risaaq ayaa sheegay in Dowladda hadda jirta ay waxyaalo badan dayacday,islamarkaana loo baahan yahay in Madaxda Dowladda in ay xaliyaan,halka mucaaradka dhankooda laga doonayo in ay soo bandhigi doonaan dhaliila wax dhisi kara.

Ugu dambeyntii Wasiirkii hore ee amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlayay qorshaha bixitaanka Ciidamadda AMISOM oo dib u dhac uu ku yimid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here