Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Hirshabelle ee uu ka geeriyooday marxuum, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad goboleedka Hirshabelle Allaha U naxariistee Siciid Xaashi Tooxow oo xalay ku geeriyooday isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ee magaalada Muqdisho.
“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle, waxaan tiiraanyada iyo murugada la qeybsanayaa qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu Ka geeriyooday Marxuum Siciid Xaashi, Waxaa lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay dalkiisa iyo shacabkiisa. Waxaa uu ahaa shaqsi madaala ah oo si hufan Ugu soo dhalaalay gudashada Waajibaadka shaqo.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa Wasiirada dhalinyarada ah ee Ka midka Xukuumadda Hirshabelle, waxaana maalmihii LA soo dhaafay Uu Ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

