Faah-faahin:-Al-shabaab oo Xalay Weeraro Ka Fuliyay Afgooye Magaaladda Muqdisho

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidmadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay Degmada Afgooye iyo deegaanada ku teedsan ee dhanka magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa xalay maqribkii waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Dowladda soomaaliya ay ku lahaayeen Degmadda Afgooye,waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadisa kala duwan.

Dagaalka Afgooye ayaa ku billowday weerar ay Ciidamada Al-Shabaab ku qaadeen goob isbaaro ah oo ku taallay afaafka hore ee magaalada, waxaana dagaalka ka dib u suuragashay Shabaab in ay la wareegaan goobta isbaaradda ay taalay.

Lama oga khasaaraha ka dhashaay dagaalka xalay ka dhacay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan waxey xalay ku qaadeen bar koontarool oo ku taalla inta u dhexeysa Lafoole iyo Ceelasha, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo loogu hadlaayo dagaalka xalay ka dhacay Degmada Afgooye.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here