Dowladda oo War Kasoo Saartay Kulanka Farmaajo iyo Jamahadda ONLF+Sawirro

0

Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in kulan uu Magaaladda Asmara ee dalka Eritrea ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmajao), hoggaanka ugu sarreeya Jabhadda Xoreynta Ogaden ama ONLF.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid aanan horey loosii qorsheynin,islamarkaana wafdiga labada dhinac ay laba mar kulmeen.

“Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka saree ee ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loosii qorsheynin, markii aan halkan nimid ayay noo yimaadeen, waa la kulmay, aad iyo aad ayaa loosoo dhaweeyay, kulanka qeybtiisa hore mid furan ayuu ahaa anagana waan ka qeybgalnay, qeybta kale madaxweynaha ayay isku hareen, waxaana laga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Afrika”.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2017-kii Dowladdda Ethopia u gacan galisay C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax), oo markii dambena dowladda Itoobiya ay xabsiga kasoo daysay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here