Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka mudug ayaa ku waramaya in gudaha Magaaladaas xalay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Puntland.
Gaashaanlle Sare Cabdi Rashiid Xasan Xaashi oo mar soo noqday taliyaha Booliska gobalka Mudug ee dhanka maamulka Puntland, ayaa lagu weeraray gudaha magaaladaas.
Ragg hubeysnaa oo ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab ayaa sarkaalka ku dhuftay dhowr xabadood,waxaana la xaqiijiyay in isla goobta uu ku geeriyooday.
Dhanka kale waxaa saakay ka socda Magaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka Sarkaalka.
Mas’uuliyadda dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Alshabaab,waxa uu dilkan kusoo aadayaa saacada kadib markii ciidamada Shabaab ay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ku dhaawaceen Axmed Nuskiilo oo ah sarkaal ka tirsan maamulka Puntland.

