Wararka ka imaanaya Gobolka Lamu ayaa ku waramaya in Shabaab ay jidka u galeen Ciidamo ka tirsan Kuwa Kenya oo marayay wadada dheer isku xirta magaalooyinka Embeketoni iyo Hindi ee Gobolkaas.
Weerarka ayaa ku bilowday qarax dhulka ku aasnaa oo la kacay mid kamid ah Gawaarida Ciidamadda kenya,waxaana kadib xigay dagaal dhexmaray Ciidamadda Al-shabaab iyo kuwa Kenya.
Dagaalka Labadda dhinac ayaa socday muddo saacadaha ah waxaana uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahannadoodu ay halkaas ku dileen mid kamid ah askartii booliska Kenya, qaar kalena ay ku dhaawaceen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamadda Booliska Kenya, kadibna ay halkaas ku gubeen.
Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya oo loogu hadlaayo weerarka Ka dhacay Gobolka Lamu.



