Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa saakay ku wajahan Magaladda Asmara ee dalka Eretrea.
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane; Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS uu maanta booqasho Taariikhi ah ku tegi doono Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eretrea.
Geelle ayaa sheegay in Soomaliya iyo Eretria ay sameynayaan xiriir Diblumaasiyadeed oo cusub, isagoo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eretrea Isaias Afwerki.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eretrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka Labada Dowladood.

