Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo ayaa gacanta ku dhigay hub iyo Labo Ruux oo u socday dhanka Xarakadda Al-shabaab.
Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda Hubka ayey ciidamadda xoogga dalka waxa ay ku qabteen barkontorol oo looga baxo Magaalada Baardheere.
Saraakiil ka tirsan ciidamadda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hubka ay ciidamadda gacanta ku dhigeen uu saarnaa Saddex Gaadiid,Islamarkaana uu isugu jiray kuwa fudud iyo kuwa culus.
‘’Hubka aan gacanta ku dhignay ayaa ka koobnaa 20 qori oo Beeka’Am Sanduuqyo gaarayo 55 ay ku jiraan rasaasta loo isticmalo qoryaha fudud iyo kuwa culus’’ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Hubka ay gacanta ku dhigeen ciidamadda ayaa la sheegay inuu u socday Al-shabaab kuwaasi oo fariisimo ku leh qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

