Sawirro lagu baahiyay Warbaahinta ayaa muujinaya bur bur xoogan oo ka muuqanaya xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay inta u dhexeysa Dhamase iyo Ceel-waaq ee gobalada Jubbooyinka.
Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay iney ka danbeysay bur burka xaruntaasi shirkada Hormuud ay ku lahayed duleedka magaalada Ceelwaaq, kadib markii ciidamo katirsan Kenya qaraxyo ay ku xireen xarunta, kadibna dadka deegaanka ayaa sheegay iney dab qabadsiiyeen Xaruntaasi shirkada Hormuud.
Inta la xaqiijiyay waxaa xarunta ku dhax geeriyootay laba ruux oo mid kamid ah uu ahaa shaqaale ka howlgalayay xarunta Shirkadda Hormuud ay ku leedahay inta u dhexeysa Dhamase iyo Ceel-waaq.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka loo dilay laba ruux oo dadka qaarkii ay sheegayeen iney ahayeen wiil iyo adeerkiis oo ku sugnaa xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay halkaasi.




