Faah-faahin:-Diyaarado Duqeyn Ka Fuliyay Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in diyaaradaha dagaalka Dowladda Mareykanka ay galinkii dambe ee shalay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Qalimow ee Gobolkaas.

Dhawaqa duqeynta ayaa si weyn loogu maqlay deegaanka oo shalay galinkii dambe ay la wareegeen Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka duqeynta ayaa timid kadib markii Ciidamo ka Tirsan Xarakadda Al-shaabab ay shalay la wareegeen deegaankaas iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah.

Shabaab ayaa la sheegay in shacabka  deegaanka Qalimow ay kula tukadeen masaajidka ugu weyn deegaankaas ayna kala hadleen inaysan wax xiriir ah la yeelan ciidamada dowlada iyo maamulka  Hirshabelle.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta lagu burburiyay gaadiid ay wateen Ciidamadda Al-shabaab ,balse aan la xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta ka dhacday deegaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here