Xoosh iyo Wasaaradiisa oo Caqabad Ku ah Dhameystirka Dastuurka+Dhageyso

0

Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ka socon la’ yahay sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka dalka.

Xildhibaan Cabdulaahi Shiikh Ismaacil oo kamid ah barlamaanka Soomaaliya isla markaana horey ugu mid ahaa Guddiga dastuurka  dalka ayaa waxaa uu sheegay in madaxda dalka uusan u xayirneen dhamaystirka qabya qoraalka dastuurka dalka.

Xildhibaanka oo sii hadlay ayaa waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo dhamaystiro dastuurka.

Ugu danbayntii waxaa uu baaq u direy  dhamaan mas’uuliyiinta Wasaaradda dastuurka Xukuumadda Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dhamaystirka dastuurka dalka.

Dhawaan Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil oo hadal ka jeediyay shirkii Magaaladda Brussels ayaa sheegay in dhameytirka Dastuurka uu u xayiran yahay Madaxda dalka iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka ka jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here