Maamulka Somali-land ayaa sheegay in dagaalka Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ay qeyb ka yihiin Ciidamo laga keenay Magaalooyinka Kismaayo,iyo Baydhabo ee Goboladda Baay iyo Jubadda Hoose.
C/laahi Ahmed Dhuunkaal oo kamid ah Saraakiisha Somali-land ee hogaaminaya dagaaalka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya in Ciidamo laga keenay magaalooyinkaas ay dagaalka qeyb ka yihiin.
Waxa uu sheegay in tani ay sharaf dhac ku tahay hogaamiyayaasha Maamuladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubba-land Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe.

