Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Digniin u Diray Ragga Kufsiga Geysta+Dhageyso

0
Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali daahir

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Ahmed Cali Daahir oo ka qeyb-galayay kulan looga hadlayey sida looga hortagi karo tacadiyadda lagula kaco haweenka Somaaliyeed ayaa sheegay in danbi ay tahay in haweenka loo gaysto kufsi iyo wax waliba dhibaato ugaysnaya.

Waxa uu sheegay in dowlada Federaalka Somaaliya ay gacan bir ah ku qabanayso shaqsigii waxyeela ugaysta haweenka Soomaliyeed isagoona kula dardaarmay ragga Soomaliyeed in ay daryeelaan haweenka.

Somaaliya ayaa waxay kamid tahay meelaha ugu badan ee lagu dhibaateeyo haweenka Somaliyeed waxaana hay’daha udooda xaquuqda haweenka ay sheegeen in bartilmaameed laga dhigto haweenka qaybahooda kala duwan.

Dhawan ayay ahayd markii magaalada jowhar kufsi loogu geystay haweeney 85jir ahayd oo lagu kufsaday xero barakac oo kutala duleedka magaalada jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.


CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here