Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamaddda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab In uu ka dhacay tuulada Muuse xaaji.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamadda Al-shabaab ay weerar gaadmo oo qarax ismiidaamin ahaa uu ka horeeyay ay kusoo qaadeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Dagaal koobnaa oo dhexmaray labadda dhinac ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay dagaalyahano ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.
Taliyaha howlgalinta ciidanka xoogga qeybta 43Aad G/sare Ismaciil sheikh Isxaaq ayaa sheegay in la toogtay ninkii waday gaariga qaraxa siday.
Sidoo kale Taliyaha waxa uu tilmaamay in Ciidamadda Al-shabaab ay qaraxa ka dib weerar kusoo qaadeyn tuulada isagoona sheegay in dagaal xooggan uu halkaasi ka dhacay.
G/sare Ismaciil sheikh ayaa sheegay in Al-shabaab dagaalka looga dilay 17 ka tirsanaa Ciidamadooda.

