War rasmi ah oo kasoo baxay hogaanka Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in askartoodu ay joojiyeen dhismaha waddo isku xiri laheyd magaalada Hobyo iyo dalka Itoobiya oo laga dhisayay deegaaanno katirsan gobolka Mudug, sida lagu baahiyay warbaahinta Alqaacidda.
Mas’uulka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Mudug Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan ayaa xaqiijiyay in ay ka war heleen qorshe dowladda Itoobiya ay ku dhisaysay waddo jid cadda ah oo isku xiri laheyd magaalada Hobyo iyo dhulka Soomaali Galbeed ee ay maamusho Itoobiya.
Gudoomiye Abuu Cadnaan ayaa sheegay in Heshiiskii dhax maray madaxweyne Farmaajo iyo Risal wasaaraha Itoopiya ee ku saabsanaa in Itoopiya ay maal gashan doonto afar dakadood oo ku yaal Soomaaliya ayuu sheegay in dakada Hopyo ay kamid ahayed afarta dakadood ee la siiyay Ethiopia.
“Hobyo waxay ka mid tahay Afarta Dekadood ee Farmaajo uu ka iibsaday dowladda Ethiopia arrinkaasna waa caddeymo aan heyno, waan ka hor tagi doonaa qorsha Itoopiya ay ku dooneyso badeecadahheda iney wadadaasi marsiisato ” ayuu yiri gudoomiyaha Al Shabaab ee Gobalka Mudug.
Safarkii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee sanadkii hore uu ku tagay magaalo Xeebeedka Hobyo ayaa waxaa kamid ahaa waxyaabihii uu ka her galiyay dhagax dhiga wadado mareysa duleedka degmada goldogob iyo deegaanka galcase illaa iyo tuulada baxdo ee Gobalka Mudug.

