Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Xarakada Al-shabaab iyo dadka deegaanka ayaa haatan ka socda deegaanka Caad Degmadda Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamadda Al-shabaab ay dadka deegaanka ka dalbadeen dhalinyaro u dagaalanta balse taasi ay u cuntami waysay dadka deegaanka.
Dhawaqa hubka ay isweedaarsanayaan labada dhinac ayaa haatan laga maqlayaa xaafadaha deegaanka caad, degmadda Xarardheer.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan haatan ka socda degmadaas.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

