QM oo Sheegtay in Hormaro La Taaban Karo ay KuTalaabsatay Dowladda soomaaliya

0

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in 12 kii bilood ee lasoo dhaafay ay soomaaliya gaartay horumaro lataaban karo, iyadoona ku guuleysatay arimo dhowr oo ay kamid yihiin hormarka dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee guud ahaan somaaliya ayaa lagu yiri warkaan kasoo baxay qaramada midoobay.

Michael Keating oo ah xoghayaha guud ee wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya ayaa sheegay in arintani ay tahay mid wanaagsan kuna amaanayo xubnaha maamul goboleedyada iyo dowlada oo 12 dii bilood ee lasoo dhaafay ku guuleystay arimo fara badan oo ay ugu horeyso dhanka sharci dajinta.

Dhinaca kale Mr Keating ayaa carabaabay in qaramada midoobay iyo beesha caalamka ay sii laba jibaari doonaan taageerada buuxda ay u hayaan dowlada soomaaliya islamarkaana ay si wanagsan kaga gacan siin doonaan Amniga guud ee wadanka iyo sidoo kale adeegyo dhameystiran sidii ay u heli lahayeen shacabka soomaaliyeed ee kunool soomaaliya.

Xoghayaha guud ee wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay ee soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda ugu sareysa dalka in ay dar dargaliyaan hor marada dhanka bulshada qeybaheeda kala duwan iyo sidii shaqo abuur loogu samey lahaa dhalinta kunool guud ahaan dalka iyo sidii looyareyn laha arimaha tahriibka maadama arintani dowlada ay kacaawin karto in dhaliyara daasi ay kubiirin Alshabab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here