Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in qalab ay ugu deeqeen ciidamada midowga Africa ee amisom ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya.
Hadalkan kasoo baxay dowlada Uk ayaa lagu sheegay in qalabkan ay isugu jiraan gawaarida nuuca xamuulka ah iyo kuwa gaar ah oo loogu tala galay dhanka howlgalada ayna kataageeri doonaan ciidamada Amisom iydoona lasheegay in qalabkaasi ayku fadhiyaan qarash dhan 5.6 Million oo dolarka mareykanka ah.
Safiirka Ingiriiska ufadhiya soomaaliya David Concar ayaa sheegay in dowlada Ingariiska ay aad ugu faraxsan tahay la shaqeynta Amisom isagoona balan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada isla markaana ay sii laba jibaari doonaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa soomaaliya.
Dhinaca kale General Paul Lokech oo ah kuxigeenka Amisom ayaa carabaabay in qalabkan ay aad ugu baahnayeen islamarkaana ay wax ugu qaban doonaan guud ahaan soomaaliya iyo sidii amniga guud ee wadanka looga fara maroojin lahaa xarakada Alshabaab.

