Maamulka Puntland ayaa si lama filaan ah kaga hadlay Mustaqbalka dhow jiritaan Maamulka Somali-land ee Waqooyiga Soomaaliya hadii ay sii jirto Colaada Gobalka Sool ee u dhexeysa Soomaliland iyo Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa ku hanjabay in muddo lix bilood gudahood ay ku soo afjari doonaan Soomaaliland hadii aysan Joojin Colaada Waqtiga dheer ee Gobalka Taas oo ka taagan Aagaa Deegaanka Tukaraq.
Eng-Camey ayaa sheegay in Puntland ay awood buuxada u leedahay inay la Wareegto Dhulka Xooga looga qabsaday Gobalka Sool oo ay ugu horeyso Magaalada Laascaanood.
Dhankale Eng Camey ayaa Fariin u Diray Beelaha Magaalada Burco ee Xarunta Gobalka Togdheer oo ay ka soo jeedaan Ciidamada ugu Badan ee soomaaliland uga dagaalamaya Deegaanka Tukaraq.
Guddiga Difaaca Puntland ayaa markale soo badhigay Cutubyo Cusub oo ka mid noqonaya Cidanka Daraawiishta Puntland ee ka Dagaalamaya Gobalka Sool kuwaasi oo qaatay tababar Dagaal oo ay kula Dagaalamayaa Ciidanka Soomaaliland.
Ciidanka Soomaaliland iyo Puntland ayaa Madaafiic isku weydaarsaday Deegaanka Tukaraq kuwaas oo qaarkood ay ku dhaceen Gudaha deegaankaasi.

