Ciidamada Koofi Gaduuda Ee Ilaalada Madaxtooyada Oo Xiray Wadooyinka Muqdisho

0

War goordhaw warqabadka Radio Simba uu soo gaar siiyay mid kamid ah wariyayaasha idaacadda ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda soomaaliya ay xireen inta badan wadooyinka muhiimka ah ee dhax mara qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in ciidamo katirsan kuwa Koofi Gaduuda ee ilaaliya madaxda dalka ay jareen wadooyin muhiim ah oo dhax mara Magaaladda Muqdisho.

Ciidanka koofi gaduuda wadooyinka ay xireen waxaa kamid ah Tarbuunka, KPP , wadada hor marta Warshada Caanaha ilaa wadada aada Wasaaradda Gaashaan dhiga Soomaaliya.

Lama oga sababta ka danbeysa xiritaanka wadooyinka  ay maanta isku gadaameen ciidamo katirsan kuwa ilaalada u ah madaxda dowladda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here