Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa ku waramaya in maanta guud ahaan Magaaladaas laga diiday in wax lagu iibsado lacagta loo yaqaano Shilling Soomaaliga.
Sababta ugu weyn oo ganacsatadu sidaan u sameynayaan ayey ku sheegeen in aysan kalsooni ku qabin lacagta shilin-ka Soomaaliga oo inteeda badan ay ku sheegeen been abuur ‘’Faalso’’.
Idaacada simba ee magaalada muqdisho ayaa la xariirtay maamulka maagaalada Gaalkacyo iyagoona beeniyey wararka sheegaya in lacagata Shilinka Somaaliga laga diiday.
Duqa magaalada gaalkacayo ee dhinaca Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa u sheegay idaacada simba in aan lacagta shilinka Somaliga laga diidin magaalada Gaalkacyo.
Isagoona hoosta ka xariiqay in uu jiro shaki ah in lacago faalsadda ah lasoo galiyey suuqayada madow ee Magaalada.

