Muwaadin kan Somaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Ali Khalif Shire Ali oo 21 sano jir ah ayaa maxkamad ku taala magaalada Melbourne ee dalkaasi Australia ay xukun ku riday, kadib markii lagu ee deeyay in uu qor sheenayay weerar Argagaxisooo ka dhaca Australia sida uu daabacay Dailymail.
Wiilkan soomaaliyeed ayaa la sheegay in xabsiga ay dhigeyn ciidamada amaanka dalkaasi Bishii November ee sanadkii hore, kadib markii looga shakiyay in uu xariir la leeyahay ururo Argagaxiso, iyadoona baaritaan dheer kadib ay sameeyeen ciidamada Sirdoonka dalkaasi sida ay xaqiijiyeen in uu qorsheenayay weerar dhiig badan ku dato oo ka dhaca Xarunta dhaqanka iyo farshaxanka ee Melbourn.
Dhinaca kale maxkamada ayaa ku nuux nuuxsatay in Ali Khaliif shire Ali ay dambi baarayaasha maxkamada ay dhageysteen mudadii uu baaritaanka kusocday muwaadinkaasi soomaaliyeed codod muujinaya isaga oo xariir gooni ah lasameynayay kooxaha Jihaad doonayaasha caalamka ka dagaalama.
Ciidamada dambi barista dalkaasi ayaa dhinaca kale waxaa ay sheegeen in ay ku daba jiraan dad kale oo ku nool guud ahaan dalkaasi isla markaana looga shakisan yahay in ay weeraro ka geysan doonaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan, iyadoona laamaha amaanka dalkaasi ay ugu digeen dadka shacabka in ay ka fogaadaan goobaha ay dadka isugu imaanayaan si loo ilaaliyo weeraro ka dhaca Australia.

