Heybe:-“Shacabka Magaaladda Laascaanood Kacdoonka Way Sii Wadi Doonaan”,

0

Dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay mishkilad ku saleysan siyaasadda ayaa waxa ay ka taagneyd magaalada Laasacaanood ee xarunta Gobolka Sool kadib markii dad  taabacsan maamulka Puntland ay halkaasi ka dhigeen baananbaxyo taageero ah taas oo keentay in Soomaaliland ay ka carooto talabaadaasi waxayna ciidamada Somaliland ee kusugan magaaladaasi ay qaadeen talaabo ay falkaasi ugu jawaab celenayeen.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khatumo Cabdalla Cali Heybe  oo lahadlay idaacada Simba ee Muqdisho ayaa sheegay inta ay Soomaliland ciidamadeeda joogaan Laasacaanood ay shacabka wadi doonaan  kacdoonka ka maamul ahaana  ay jawaab ka bixin doonaan.

Xiisada kataagan Gobolka Sool ayaan wili xal nabadeed laga gaarin waxaana horay u jiray qorshe lagu baadi  goobayay nabada oo ay waday DFS iyo Qaramada Midoobay inkastoo dadaalkaasi uu umuuqdo mid  fashilmay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here