Dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay mishkilad ku saleysan siyaasadda ayaa waxa ay ka taagneyd magaalada Laasacaanood ee xarunta Gobolka Sool kadib markii dad taabacsan maamulka Puntland ay halkaasi ka dhigeen baananbaxyo taageero ah taas oo keentay in Soomaaliland ay ka carooto talabaadaasi waxayna ciidamada Somaliland ee kusugan magaaladaasi ay qaadeen talaabo ay falkaasi ugu jawaab celenayeen.
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khatumo Cabdalla Cali Heybe oo lahadlay idaacada Simba ee Muqdisho ayaa sheegay inta ay Soomaliland ciidamadeeda joogaan Laasacaanood ay shacabka wadi doonaan kacdoonka ka maamul ahaana ay jawaab ka bixin doonaan.
Xiisada kataagan Gobolka Sool ayaan wili xal nabadeed laga gaarin waxaana horay u jiray qorshe lagu baadi goobayay nabada oo ay waday DFS iyo Qaramada Midoobay inkastoo dadaalkaasi uu umuuqdo mid fashilmay.

