Wasiiru dawlaha amniga Maamulka Jubaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Xarakada Al- shabaab ay ka sameesteen Gobolka Gedo xarumo ay kaga duulaan Soomaaliya inteeda kale iyo dawladaha dariska ah.
Wasiirka ayaa sheegay in gobolka uu yahay dhul balaaran oo buuraley ah Xoolahana barwaaqo ku ah taasina ay ugu wacantahay in Al-shabaab ay doortaan in gobolka ay saldhigtan wuxuuna taasi ku tilmaamay khtar gobolka iyo dariskaba soo wajahday sida uu hadalka u dhigay.
Dowladaha taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku dhiilay inay wali sii jirto khatarta Xarakadda Al-shabaab.
Ugu dambeyntii Wasiiru dawlaha amniga Maamulka Jubaland ayaa ugu baaqay dowladda Dhexe iyo Ciidamadda AMISOM in qaadaan dagaal Al-shabaab loogu saarayo deeganada jubooyinka.

