Xildhiban Burhaan:-“Somali-land Waxay Kasoo Horjeedaa Midnimadda Soomaaliya”,+Dhageyso

0

Xildhibaan Burhaan Aadan Aw Cabdi oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka Punland oo lahadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho  ayaa ka hadlay dagaalka  u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland  oo ka socda deegaanka Tukuraq ee Gobolka Sool.

Xildhibaan  burhaan oo xilliga uu waraysiga siinayay Simba  ku sugnaa jiida hore ee dagaalka ayaa sheegay inay ciidanku guulo la taaban karo ay ka gaareen dagaalkii ay la galeen ciidamada Soomaaliland  ayna diyaar u yihiin inay dalka u dhintaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxda iyo saraakiisha ciidanka labada Maamul ee puntland iyo Soomaaliland ayaa tan iyo markii ay Tukraq daagaladu ka qarxeen waxay hawada isu marinayeen warar xanaf leh oo xaalada dagaal sii abuuri karta

Madaxweynaha Somali-land Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay Munaasabadd lagu xusayay 18-may ayaa mar kale ka hadlay dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in aysan duulaan ku aheyn Puntland iyo Garoowe,islamarkaana ay rajeynayaan in wada-hadal lagu dhameeyo arinta dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here