Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil iyo weerar xalay ka dhacay Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Degmadda Shibis ee gobolka banaadir waxa ay ku dileen askari ka tirsanaa ciidamadda Dowladda Soomaaliya,kaasi oo ku sugnaa meel aan sidaas ugu fogeyn xarunta Degmadda.
Rag hubeysnaa ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay askariga ka tirsanaa Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Degmadda Shibis oo si kooban ula hadashay idaacadda Simba ayaa sheegtay in askariga la dilay lagu magacaabi jirey Qataatow uuna kamid ahaa ilaaladda xarunta.
Dhanka kale ragg hubeysnaa ayaa weerar xalay ku qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta Caasimadda ee ku sugnaa Isgoyska Baar U bax ee Magaaladda muqdisho,waxayna labadda dhinac ay isweedaarsadeen rasaas daqiiqado socotay.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarada Muqdisho ka dhacay.

