27,600 oo Arday oo Maanta u Fariisanaysaa Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dalka.

0

Maanta oo sabti ah waxaa bilaabanaya qaadista imtixaankii Shahaadiga Dugsiyadda  Sare ee dalka,kaasi oo horey ay u shaacisay wasaaradda Waxbarshadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Iskuulo badan oo ku yaala Magaaladda muqdisho,ayay ardeyda ku gali doonaa imtixaanka, iyadoo si weyn loo adkeeyay amaanka iskuuladda.

Sidoo kale imtixaanaadka kuwan lamid ah ayaa ka bilaabanaya xarumaha Maamul goboleedyadda dalka ka jira,marka laga reebo magaalada Baladweyn oo ay saameeyeen fataahadaha webiga Shabeele uu sameeyey.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa dhawaan shaaciyay in imtixaanka uu bilaabanayo sabtida oo ah maanta,waxaana u fariisnaysaa ilaa 27,600 oo arday guud ahaan gobolada dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here