War Deg Deg:-Ciidamo Caawa Lagu Toogtay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa Xaafadda Seybiyaano ee Degmadda Wadajir  ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Ciidamo ka tirsanaa kuwa Dowladda Soomaaliya.

Ilaa afar askari ayaa la sheegay in lagu dilay Xaafada Seybiyaano.

Dilkaan askartaan waxaa fuliyay 3-dhalinyaro ahaa oo ku hubeysnaa bastooladdo sida goob joogayaal ay inoo xaqiijiyeen.

Ragii hubeysnaa ayaa goobta ka baxsaday dilka kadib, waxaana goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Meydadka askarta ayaa la geeyay isbitaalka madiina ee Magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here