General Caanood:-“Duqeyn ka Dhacday SH-hoose Waxaa Lagu Dilay Horjogayaal Al-shabaab ahaa”

0

Ciidamadda Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamo Mareykan ahaa ayaa xalay howlgal ka fuliyay meel u dhaw degaanka Bariire ee Gobolka shabellaha hoose, halkaasi oo ay ku sugnayeen sida la sheegay Saraakiil iyo Ciidamo Shabaab ah.

Abaandullaha Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed general cabdullahi cali (Canood) oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi fuliyeen ciidamada mareynkanka islamarkaasi ay la socdeen duqeynta.

Generaal Canood waxa uu sidoo kale hadalkiisa uu ku daray in duqeynta diyaaradeed ay ka dhacday meel u dhaw degaanka bariire ee Gobolka shabellaha hoose halkaasi oo lagu dilay ilaa iyo 3 Sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab.

Abaandullaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa Magacyada Saraakiisha ku kala sheegay Khalif Maxamed . Warsame (Khaliif Cadale)2- Yuusuf Macalin Cabdalla iyo  Muuse Cali oo ku magac dheer muuse gaabow.

Sidoo kale abaandullaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxa uu sheegay in duqeynta lagu bur buriye ilaa iyo afar goobood oo Al-shabaab saldhigyo ugu lahaa halka ay duqeynta ka dhacday.

Duqeeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan la garan heybtooda ayaa shalay galinkii dambe waxa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here