Dhageyso:- Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Amaro Culus Dul Dhigay Ciidamada Dowladda + (Sawirro)

0
Sawirka Kormeerkii xalay ee Taliska Ciidanka Booliska

Ra’iisul wasaare kheyre iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa xalay si kadis ah waxey booqasho ku tageen taliska ciidanka Booliska iyo koontaroolo kale oo ciidamada xasilinta ay ku sugnayeen.

Kormeerkii Xalay ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) oo kamid ahaa wasiirada ku wehlinayay kheyre kormeerka xarunta ciidanka Booliska oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada mar kale ay ku amrayaan ineysan gudaha magaalada ku dhax qaadan Karin wax hub ah, waxuuna ciidamada ka socday iney u dhimriyaan shacabka ku dhaqan deegaanada ay ka howlgalayaan.

Taliyaha ciidamada militariga Soomaaliya Abdiwali Jaamac Gorod oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay iney amrayaan ciidamada  Booliska Asluubta Naabad Sugida iyo Militariga in ay dhowraan ciidamada isku dhafka ee xasilinta loo yaqaaan, taliye gorod ayaa sido kale ka dalbaday in askari uu ka soo amar qaato taliskiisa oo aan lagu arki Karin gudaha magaalada isaga oo iska socda.

Halka Hoose Ka Dhageyso Codka:- Wasiirka Amniga Soomaaliya

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here